Ucid party

JAMHUURIYA OO WARAYSI KHAAS AH LA YEELATAY
FAYSAL CALI WARAABE.

Hargeysa (Jam)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka
ah ee UCID, Md. Faysal Cali-Waraabe oo toddobaadkii hore dalka ku soo laabtay,
kadib markii uu socdaal dheer ku soo maray dalal kala duwan oo Yurub iyo
Afrikada Bari ku kala yaal ayaa waraysi khaas ah oo uu shalay Wargeyska
Jamhuuriya, waxa uu kaga warramay dhawr amuurood oo ku saabsan isbeddelada
siyaasadeed, dhaqaale iyo hannaanka dimoqraadiyadda iyo doorashada Baarlamanka
ee foodda innagu soo haysa iyo weliba siyaasadaha ku xeeran Geeska Afrika
ee saamaynta ku leh Somaliland.

Waraysigaas oo aad u dheeraa su’aalihii
lagu weydiiyey Faysal Cali-Waraabe iyo jawaabihii uu ka bixiyey waxa ay
u dhaceen sidan:

Su’aal: Faysal dalka muddo ayaad
ka maqnayd isbeddelo badan ayaana dhacay, markaa bal xaaladda dalka Maxaad
ka odhan lahayd?

Jawaab: Kollay Xasanow (Tifaftiraha Jamhuuriya),
marna innaga (Somaliland) innooma fiicna in aynu yooyootano oo aynu kala
jabno, waayo, waxa aynu maraynaa wakhti xaasaasi ah oo aynu doonayno in
aynu Xadkeena tagno, iyada oo ay Laascaanood joogaan Maleeshiyo Majeerteeniya
ahi, waa wakhti aynu doonayno in innaga iyo Koonfurta Soomaaliya aynu kala
dhammaysano, markaa waxaas oo dhan waxa lagaga bixi karaa midnimo iyo isu
dul-qaad, iyo wada tashi, lana ogaado in dalkan lagu xorreeyay midnimo,
midnimana lagu wadi karo, markaa waa nasiib darro in yooyootan hoose dhaco.

S: Xisbiyadiina Mucaaridka iyo Xukuumaddu
markii hore waxaad ku wada hadasheen in la dhammaystiro Dimuqraadiyadda
Somaliland oo la qabto doorashaddii Baarlamaanka, waxaad moodaa in Mucaaridku
muddooyinkan dambe ka webinayaan in aanay dawladdu dhinaceeda horumarin
sidii lagu gaadhi lahaa hannaankaa, adigu sidee baad aragti ahaan u aragtaa?

J: Horta waxa weeye, dawladda waxa waajib
ku ah in ay dhammayso shuruucdii ay doorashada Baarlamaanku ku hirgeli lahayd,
annaguna (Mucaaridka) waxa nagu waajib ah in aanu gacan ka geysano sidii
ay u dhici lahayd doorasho xor iyo xalaal ah oo aan muran gelin, markaa
annagu UCID ahaan xaggayaga waanu ka dedaalnay waxaanan ku rajo weynahay
in dawladaha Iskandeniifiyanku naga caawiyaan diiwaangelinta dadka codaynaya,
dhawaana waxa iman doona dalka dad khubaro ah oo Sahan ku samayn doona tobanka
Magaalo ee dalka ugu waaweyn si loogu sameeyo dadka diiwaangelin, dawladda
iyo Baarlamaanka waxaad moodaa in ay is leeyihiin wakhti badan ayaad haysataan,
laakiin waxa weeye wixii dhiman in la dhammaystiro.

S: Faysal waxa jirta in aan weli la dhammaystirin
shuruucdii doorashada, dad badan ayaana leh sannad iyo badh-toona laguma
dhammayn karo, markaa adigu sidee ayaad u aragtaa wakhtiga dhammaystirka
shuruucdaasi qaadan karo?

J: Dadkaasi waa dadkii odhan jiray markii
hore doorasho ma dhici karto ee shir-Beeleedka doonayay, laakiin waxa inoo
hadhsani waa wax yar, tusaale sidii loo qaybin lahaa 82-ka Kursi ee Baarlamaanka,
waxaana nidhi ha la dulqaato, hana lagu fadhiisiyo habkii 1960-kii, ninkii
badana hadhow ayuu soo bixi doonaa, markaa waxa weeye in la qaybiyo, Maxamed
Siyaad Barre xuduudaha Degmooyinka, wuxuu ka lahaa Siyaasad, dad ayaanu
caddaadinayay dadna sad-bursi ayuu siinayay, waxaanay ahayd waxyaalaha uu
dagaalku ka dhacay, taa marka la tixraaco, markii dalka la xorreeyay SNM
qaraarkeedu wuxuu ahaa in lagu socdo xuduudihii lixdankii, taas ayaana lagu
kala bixi karaa, waa wax sahlan taasi, ta innoogu darani, waxa weeye, arrinka
Laascaanood in la soo afjaro, waayo, dalka waa in ay doorasho ka wada dhacdaa.

Waxanina waa wax jilicsan waayo, adduunku
diyaar ayuu u yahay in Somaliland Arrimaha Dimuqraadiyaddeeda ka dhiman
dhammaysato oo ay Cagaheeda isku taagto, oo uu u soo baxo Baarlamaan adag
oo aan Qabiil ku salaysanayn, balse ku salaysan aaraarta Xisbiyada, ninkii
is yidhaahda ka baydh oo xirfad iyo cimri dherer kordhisana waa nin Haadaan
u qodaya Somaliland kamana yeelayno, waxaanuna u sheegaynaa haddii doorashada
Baarlamaanka ay deg-deg u qaban waayaan, markaa doorashadii hore ee Madaxweynuhuna
ansax ma aha. Haddii dawladdu Distoorka Ixtiraami waydo annaguna ixtiraami
mayno, markaa waynu qasan doonaa, isaguna (Riyaale) Madaxweyne noqon maayo,
markaa taas ayaanu uga digaynaa in cimri dherer laga dhigto wax aan sharci
ahayn.

S: Faysal, arrintaa Sool ee aad Carabka
ku dhufatay, si dhakhso ah laguma xalin karo, markaa sideed adigu u aragtaa
in arrinteeda lagu xalin karo, doorashana uga dhici karto?

J: Horta Sool ha odhan! Ee Laascaanood
dheh, waayo, Ciidamadeenu waxa ay fadhiyaan Yagoori ilaa Guumays, meeshu
horta waa lix Degmo, lixdii Degmona Laascaanood, ayuun baa innaga maqan,
taasna waxaan filayaa in shacbiga Walaalaha aynu nahay ee Dhulbahante ay
garanayaan in ay u dan tahay, way garanayaan in aan Xadka la beddeli Karin
oo aanu Cabdillaahi Yuusuf lahayn awood uu ku sameeyo Xad, oo aanu adduunku
lahayn. Ujeedadiisu waxa weeye, in dalkan Somaliland uu burburiyo, waxaan
filayaa xaggeena ayay wax ka xun yihiin, waayo, haddii aynu midaysanahay
Walaaladeena reer Laascaanood xaggeena ayaynu ku soo dabaali lahayn oo waa
aynu is afgaran lahayn, taana waxaan jecelahay in ay dhici doonto.

.

S: Faysal, haddii dhaliilaha wax laga taabto
oo la sheego lacago badan oo aan Miisaaniyaddii ku jirin ma waxaad odhan
kartaa waa la khaldan yahay?

J: Horta Miisaaniyaddu waa (ku tallo-gal)
oo weli sannadkii lama gaadhin ee hadhow, ayaa la xisaabtamayaa oo la odhanayaa
Maxaa soo hoyday, maxaase baxay, laakiin xaq baa loo leeyahay in wixii dhaliil
ah ee jira la sheego, laakiin in Public laga caytamo oo dadkii la yidhaahdo
lacag ayaa la cunay ma aha. Waa in aynu ka gudubnaa wax baa la cunay iyo
wax baa la lunsaday.

S: Jabhadda ONLF, waa ay bilaabeen in ay
gubaan Baabuur ay leeyihiin dad shacbi ah oo reer Somaliland ah. Arrintaa
adigu maxaad ka odhan lahayd?

J: Horta arrintaasi waa nasiib darro, waxaana
arrintaa kiciyay Waraysigii uu BBC-da siiyay Guddoomiyaha ONLF, Maxamed
Cumar Cismaan, oo ahaa Taliyihii Ciidamada Badda ee dawladdii Afweyne, ee
uu lahaa Baabuurta hala gubo, laakiin, nasiib-darro dawladdeenu uma ay jawaabin,
waxay ahayd in loo jawaabo oo shacbiga reer Baadiyaha ah ee uu leeyahay
dadkiinii ayaa Hargeysa lagu laayay, in la yidhaahdo dad la laayay ma jirto,
dadkuna waa dad Walaalo ah, laakiin, maadaama ay dawladdeenu hadli wayday
waa nasiib-darro.

Waxaan u sheegaynaa dadkaas in aanu nahay
dad Wallaalo ah, oo aanay maqal dad Qaxooti ah oo London iyaga iyo Qoysaskoodiiba
joogaan. Dawladda Itoobiya iyo Mutacalimiinta Ogaadeenka ee Addis Ababa
jooga. Mutacalimiintaas Beesha Ogaadeenka aad ayay uga xun yihiin falalkaas,
dawladdeenana waxaan ku boorinayaa in dadka Xidh-Xidhan ee ONLF-ta loo aanaynayo,
in wixii dembi leh Maxkamad la saaro oo dhulkeena lagu xukumo, wixii aan
dembi gelina la sii daayo.

S: Xeerkan la yidhaahdo Xukunka deg-degga
ah oo Golaha Wakiiladu mar hore laalay, dhawaan waxa lagu qaaday dhallinyaro,
adigu sideed Xeerkaa u aragtaa?

J: Xeerkaasi mid meesha qabta ma aha, maadaama
aynu Distoor leenahay, wax deg-deg la yidhaahdaa ma jiro. Dawladdaha Keli
taliska ah ayaa isticmaala, waanuna ka soo horjeednaa Xeerkaas, qofka rabshad
sameeya adiga oo aan xukun deg-deg ah ku qaadin ayaad habkii sharciga ahaa
u mari kartaa, laakiin ma aha in sharci Keligii Taliye uu samaystay dadka
lagu cabudhiyo oo aynu dadkeena u isticmaalno, waxaanan ku talinayaa in
Xeerkaa la laalo, dadka ku xidhana la soo daayo, maanta uma baahnin is-cabudhin,
waayo, Maxamed Siyaad Barre, ayaa adeegsaday waxaanay keentay burbur, markaa
annagu waanu ka soo horjeednaa.

S: Faysal, waxa aad ahayd nin lagu tilmaamo
xag-jir mawqifkiisu fogyahay marka laga hadlayo qaddiyadda Somaliland oo
aad ku talin jirtay in aan Koonfurta Soomaaliya sinnaba xidhiidh loola yeelan
karin, dhawaana waxa aad sheegtay in ay habboon tahay in Soomaalida wax
la gashado, oo arrimahooda ayaad ka hadashaa, markaa dadku waxay leeyihiin,
maxaa iska beddelay Faysal, bal markaa adigu tafaasiil yar ka bixi arrintaa?

J: Horta anigu Somaliland iyo Soomaaliya
in ay sidaa ku kala joogaan ayaan ku adkahay oo aan wakhtigayga oo dhanna
siiyay, sidaas ayaanay noqonaysaa, kolka aan leeyahay aanu kala tagno, ma
aha Soomaaliya ayaan necebahay, laakiin, waxaan u jeedaa isma wadi karno
ee waxa weeye in aynu noqono laba dawladdood ee Walaalo ah. Markaa anigu
kama tegin qadiyadda Somaliland, laakiin, waxaan u shaqaynayaa qadiyadda
iyo Madaxbannaanida Somaliland. Waxaanu ka shaqaynaynaa in ay Soomaaliya
u dhisanto dawlad wanaagsan oo caddaalad ku xukunta, innagana jaar wanaagsan
inoo noqota, haddii aynaan sidaa u shaqayn cadowgeenu inta uu qabto ayuu
inoo samayn dawlad cadaw ah, markaa anigu ilaa dhiigayga inta u dambaysa,
waxaan taaganahay Somaliland waa muqadas, haddii Somaliland iyo Soomaaliya
heshiiyaana anigu Siyaasaddaba waan ka baxayaa.

S: Kenya waxa ka socda Shir Soomaaliyeed
oo lagu heshiisiinayo Kooxaha Soomaalida, maxaad saadaalin kartaa in ay
halkaas ka soo bixi doonaan, saamayn intee le’eg ayuuse Somaliland
ku yeelan doonaa?

J: Horta, Shirkaa in dawlad laga soo saaro
ajanabigu wuu jecel yahay, waxase su’aali ay tahay ma hirgelaysaa?
Insha Allah waxaan jecelahay in ay u hirgasho oo ay ka soo baxdo dawlad
fiican oo dhibaatada ka saarta, annaguna waanu u soo sheegnay oo waxaanu
nidhi haddii ay ka soo baxdo dawlad dadkeedu ku qanacsanyihiin oo 80% xukunta,
waanu wada hadlaynaa annaga oo laba dawladood oo Wallaalo ah. Weliba Wadamada
IGAD, waxaanu ku heshiinay goob-joog u ahaada wada hadalkayga, Sweden-na
sidaas ayaanu ku nidhi. Waxaanu u sheegaynaa haddii halkaa laga soo saaro
dawlad ay leeyihiin Soomaali oo dhan ayay xukuntaa waxaanu ka xignaa dagaal,
meesha ugu horraysa ee aanu qabsanaynaa waa Majeerteeniya. Waanu u sheegnay
dawladda Kenya arrintaa.

S: Bal hadda muddadii Sannadka ahayd ee
Xukuumadda Madaxweyne Rayaale jirtay Siyaasadda dibaddu horumar intee le’eg
ayay gaadhay, maxayse dhaliil leedahay?

J: Horta Siyaasadda Khaarajigu aad ayay
u fiican tahay, Safarkii Madaxweynuhu aad iyo aad ayuu u fiicnaa. Maraykanku
mowqif fiican ayuu inoo taagan yahay, weliba wax weyn ayaa la qaban kari
lahaa haddii Istiraatijiyad cadi jirto, laakiin Istiraatijiyadda khaarajigu
aad ayay u fiican tahay, Wasaaraddo kale oo aan dhaliilayaa way jiraan,
laakiin waxaan jecelahay in aan si gaar ah ugu tago oo aan ula kulmo. Laakiin,
xagga khaarajiga iyo xagga Difaaca aad ayaynu uga fiicanahay oo maanta haddii
Koonfur caqli xumo qaado oo ay is qaad-qaadaan, waxaynu haysanaa Ciidan
qabsan kara ilaa Majeerteeniya oo dhulkooda difaaci kara.

S: Faysal, dhowr jeer waxaad Madaxweyne
Rayaale ugu baaqday in uu xilka ka qaado Wasiirka Daakhiliga oo aad sheegtay
in uu shaqadiisii ku fashilmay, imika Miyaad ka tanaasushay mowqifkaagii?

J: Horta anigu waxaan taaganahay in dawladdan
oo dhan la beddelo oo dawlad fiican la dhiso, weligayna waan taagnaa. Dawladdani
innama wadi karayso oo waynu aragnaa, markaa waxaan ka yaabay in ay Doontu
innala degto oo aynu quusano, laakiin, Insha Allah degi mayso. Horta Ismaaciil
(Wasiirka Daakhiliga) anigu shakhsi uma necbi, waxaanse ku dhaliilayaa waa
shaqadiisa. Anigu haddii aan ku fashilmi lahaa Wasaarad aan hayo waan is
casili lahaa, waayo, dunida way ka dhacdaa, markaa dadka qaar baa u qaata
shakhsiyan ah in aan Ismaaciil u necebahay, laakiin uma necbi. Haddaba,
anigu waxaan taaganahay waa in dawladdan la beddelaa oo dawlad adag la dhisaa
oo kooban oo abtirsiimo leh.

S: Faysal, KULMIYE hore waad u dhaliili
jirtay maalintaad dalka ku soo laabatayna (khamiistii) aad ayay kuu soo
dhoweeyeen, markaa dadku waxay leeyihiin arrinka Faysal waa Beerka jecli,
Xaydha jecli oo ah KULMIYE jecli UDUB jecli. Adigu sidaa ma isu aragtaa?

J: Waxa weeye horta in Saddexda Xisbi is
ixtiraamaan oo ay wada shaqeeyaan, oo marka Madaxweynuhu imanayo laga hortago,
marka Guddoomiye Xisbi imanayo laga hortago, waana ilbaxnimo in aanu labada
Xisbi isku wadnaana waa xaq, laakiin annagu waxaanu diidaynaa waa Mucaarid
laf jebis ah. KULMIYE waxaan kula kaftamaa, waxaynu ku kala duwanahay annagu
(UCID) haddii aanu aragno dawladda oo Maradu ka dhacdo, waxaanu nidhaahnaa
Marada isa saar, idinkuna (KULMIYE) waxaad tidhaahdaan hayaay Maradii baa
ka dhacday oo waad ku qaylinaysaan, laakiin labada Xisbi waanu isku wadaynaa.

S: Waxaad sheegtay in loo baahan yahay
dawlad xooggan oo Qaran in la dhiso, Xukuumadduna dhawr jeer oo hore oo
ay ka jawaabtay waxay tidhi wakhtigiina suga, annagaa lana doortee, maxaad
taa ka odhan?

J: Taasi waa ta keentay Burburka, horta
dhibaatadu waxay innaga haysataa waa Distoorka oo qaydhin ah. Markaa waxaan
leeyahay dawlad Minority ah, meel ma tegi karto, wakhtigan xaadirka ah.
Maanta waxaad moodaa sidii dawladda loo dhaliilay in jiritaankeediiba khatar
ku jiro oo la odhan karo waa bilaa sharci. Haddii aanu dawladdii shacbigu
taageersanayn dee sharci ma laha. Waa la mijo xaabiyay dawladdii gebigeediiba.

Maanta haddii aad cod qaadaan oo aad tidhaahdaan
shacbiga intee dawladda taageersan, ma filayo in ay 10% taageersananaan
doonaan, taasina dawlad ma aha. Waa in la helaa dawlad xooggan oo kooban
oo dacaayadda ninka xumi ka faafiyaa aanay hirgelin una muuqan mid sax ah
ee loo arko mid khaldan. Dawladdii iyada oo aan kicin ayaa shacbigii lagu
diray, markii la arkay tiradii Wasiiraddii faraha badnaa. Xitaa dawladda
faraha badan lama kaantarooli karo oo maalinba mid baa hadlaya. Ismaqli
waaga iyo is-dhegeysi waaguna dalka burbur ayuu ku keenaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *